|
Abuu Mansuur oo Kahadley Hadalkii Mareykanka |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Thursday, 20 March 2008 |
|
Moqdishu, (insidesomalia.org)-Sarkaal sare oo u hadlay kooxda Al-Shabaab ayaa shegay in ay ku faraxsanyihiin hadalka kasoo yeerey Dowladda Mareykanka oo lagu sheegey in ururka Al-shabaab ee Soomalaiya kadagaalama lagudartey Liiska Argagixisada Caalamiga ah.
Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo lahadlayey BBC ayaa yiri "waa ku farxeynaa in uu nagu darey Mareykanka liiska argggixisada, wax welwel ahna naguma haysto"
Dowladda Mareykanka ayaa hadal maalintii shaley ka soo saareen Wasarada arrimaha dibadda ayaa lagu sheegey in ay mamnuuc tahay in wax xiriir ah lala sameeyo kooxdaas iyo in la xayiro hantida Dadka lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin, iyada oo noqtey kooxdii 41 aad oo Mareykanku galiyo liiska ururada u kusheego in ay yihiin Argagixiso.
Sheekha in la waydiiyey in uu qiranayo in argagixiso yihiin ayaa sheegey in Ilaahey farey in cadowga argagixiyaan taasna ku faraxsanyihiin.
Mansuur ayaa xusey in Dowladda Mareykanku argagixiyo shacabka Islaamka sida Falstiin iyo Ciraaq iyo melo badan oo katirsan Dunida Muslimka.
Shaakha ayaa sheegey in Bush horey u xusey ninkii isaga aan la jirin lidkooda yahay anagana waan ka soo horjeednaa ayuu yiri.
Mar wax laga weydiiyey in shaqsiyan uu ku so tababartey Afghinistan ayaa sheegey in Somalida meelo badan ku tababaratey,
Mansuur ayaa sheegey in Ciidamada Ugnada ay lamid yihiin kuwa Itoobiya, isaga oo ka dalbadey labadba in Soomaaliya ka baxaan.
|